QuranQuiz bySALSABIL STUDIO
Open the appOpen app

سورة الحاقة

Suuradda Al-Haqqah — Af-Soomaali

52 aayadood · Suuradda 69 ee 114

🌐 Translation: Soomaali

Englishالعربية (بلا ترجمة)اردوBahasa IndonesiaBahasa MelayuTürkçeFrançaisDeutschEspañolPortuguêsItalianoNederlandsРусскийفارسیবাংলাहिन्दीSoomaaliKiswahiliHausaShqipBosanskiAzərbaycancaOʻzbekcha中文日本語한국어ภาษาไทยTiếng ViệtTagalogپښتوPolskiSvenskaNorskSuomiČeštinaRomânăБългарскиУкраїнськаעבריתதமிழ்മലയാളംతెలుగుमराठीગુજરાતીनेपालीසිංහලঅসমীয়াسنڌيدریKurdîދިވެހިئۇيغۇرچەአማርኛAfaan OromooYorùbáKinyarwandaBamanankanChiyaoTamaziɣtMëranawТоҷикӣҚазақшаТатарчаភាសាខ្មែរEnglish (Abdel Haleem)

Tarjumaadda: Mahmud Muhammad Abduh

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

ٱلْحَآقَّةُ ﴿١﴾

69:1 Maalinta Xaaqo (Qiyaamadu waa wax sugan).

مَا ٱلْحَآقَّةُ ﴿٢﴾

69:2 Xaaqo maxay tahay.

وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلْحَآقَّةُ ﴿٣﴾

69:3 inaadan aqoon ma laga yaabaa xaaqada.

كَذَّبَتْ ثَمُودُ وَعَادٌۢ بِٱلْقَارِعَةِ ﴿٤﴾

69:4 Waxa beeniyeen Reer «Thamuud» iyo «Caadba» Qiyaamada.

فَأَمَّا ثَمُودُ فَأُهْلِكُوا۟ بِٱلطَّاغِيَةِ ﴿٥﴾

69:5 Thamuudse waxaa lagu halligay Qaylo daran.

وَأَمَّا عَادٌ فَأُهْلِكُوا۟ بِرِيحٍ صَرْصَرٍ عَاتِيَةٍ ﴿٦﴾

69:6 Caadna waxaa lagu halligay Dabayl daran oo qabow.

سَخَّرَهَا عَلَيْهِمْ سَبْعَ لَيَالٍ وَثَمَـٰنِيَةَ أَيَّامٍ حُسُومًا فَتَرَى ٱلْقَوْمَ فِيهَا صَرْعَىٰ كَأَنَّهُمْ أَعْجَازُ نَخْلٍ خَاوِيَةٍ ﴿٧﴾

69:7 o lagu diray korkooda Toddoba habeen iyo Siddeed Maalmood oo iraacsan, waxaadna arkaysaa iyagoo daadsan ood mooddo jirrid Timir (dogob dhacay).

فَهَلْ تَرَىٰ لَهُم مِّنۢ بَاقِيَةٍ ﴿٨﴾

69:8 wax ka hadhay miyaad aragtaa.

وَجَآءَ فِرْعَوْنُ وَمَن قَبْلَهُۥ وَٱلْمُؤْتَفِكَـٰتُ بِٱلْخَاطِئَةِ ﴿٩﴾

69:9 Fircoon iyo kuwii ka horreeyeyna waa jireen iyo kuwii gafsanaa ee la daba geddiyey (Nabi Luudh Qoomkiisi).

فَعَصَوْا۟ رَسُولَ رَبِّهِمْ فَأَخَذَهُمْ أَخْذَةً رَّابِيَةً ﴿١٠﴾

69:10 Waxay Caasiyeen rusushii Eebahood Markaasuu si daran u qabtay.

إِنَّا لَمَّا طَغَا ٱلْمَآءُ حَمَلْنَـٰكُمْ فِى ٱلْجَارِيَةِ ﴿١١﴾

69:11 Markay Biyihii xad dhaafeen (Waqtigii Nabi Nuux) waxaan idinku xambaarnay (Awoow yaalkiin) Doontii.

لِنَجْعَلَهَا لَكُمْ تَذْكِرَةً وَتَعِيَهَآ أُذُنٌ وَٰعِيَةٌ ﴿١٢﴾

69:12 si aan uga yeelno waano ay una xafiddo dhag wax maqasha.

فَإِذَا نُفِخَ فِى ٱلصُّورِ نَفْخَةٌ وَٰحِدَةٌ ﴿١٣﴾

69:13 Marka Suurka la afuufo hal mar.

وَحُمِلَتِ ٱلْأَرْضُ وَٱلْجِبَالُ فَدُكَّتَا دَكَّةً وَٰحِدَةً ﴿١٤﴾

69:14 Dhulka iyo Buurahana la xambaaro oo la burburiyo hal mar.

فَيَوْمَئِذٍ وَقَعَتِ ٱلْوَاقِعَةُ ﴿١٥﴾

69:15 Maalintaasay Qiyaamadu dhacaysaa.

وَٱنشَقَّتِ ٱلسَّمَآءُ فَهِىَ يَوْمَئِذٍ وَاهِيَةٌ ﴿١٦﴾

69:16 Samaduna Maalintaas way dillaaci wayna tabar yaraan.

وَٱلْمَلَكُ عَلَىٰٓ أَرْجَآئِهَا ۚ وَيَحْمِلُ عَرْشَ رَبِّكَ فَوْقَهُمْ يَوْمَئِذٍ ثَمَـٰنِيَةٌ ﴿١٧﴾

69:17 Malaa'igtuna Cirka gaararkiisa yey ahaan Maalintaas, Carshiga Eebana waxaa dadka korkiisa ku xambaari Maalintaas Siddeed Malag.

يَوْمَئِذٍ تُعْرَضُونَ لَا تَخْفَىٰ مِنكُمْ خَافِيَةٌ ﴿١٨﴾

69:18 Maalintaasaa dadka loo soo bandhigi Eebe wax xagooda kaga qarsoonna ma jiro.

فَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَـٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ فَيَقُولُ هَآؤُمُ ٱقْرَءُوا۟ كِتَـٰبِيَهْ ﴿١٩﴾

69:19 Ruuxiise Kitaabkiisa midigta laga siiyo wuxuu dhihi (farax daraadiis) akhriya Kitaabkayga.

إِنِّى ظَنَنتُ أَنِّى مُلَـٰقٍ حِسَابِيَهْ ﴿٢٠﴾

69:20 Waxaan yaqiinsanaa (Adduunka) inaan la kulmi Xisaabtayda.

فَهُوَ فِى عِيشَةٍ رَّاضِيَةٍ ﴿٢١﴾

69:21 wuxuu ruuxaasi ku noolaan nolol laga raalli yahay.

فِى جَنَّةٍ عَالِيَةٍ ﴿٢٢﴾

69:22 Wuxuuna geli «Janno» sarreeysa.

قُطُوفُهَا دَانِيَةٌ ﴿٢٣﴾

69:23 Midhaheeduna u dhaw yihiin (Ruuxa guran).

كُلُوا۟ وَٱشْرَبُوا۟ هَنِيٓـًٔۢا بِمَآ أَسْلَفْتُمْ فِى ٱلْأَيَّامِ ٱلْخَالِيَةِ ﴿٢٤﴾

69:24 Waxaana lagu dhihi Cuna oo Caba idinkoo shifaysan Camalkaad hor marsateen ayaamihii tegay daraadiis (Adduunkii).

وَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَـٰبَهُۥ بِشِمَالِهِۦ فَيَقُولُ يَـٰلَيْتَنِى لَمْ أُوتَ كِتَـٰبِيَهْ ﴿٢٥﴾

69:25 Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo Bidixda wuxuu dhahayaa Magacayba'ee maan la i siinin Kitaabkayga.

وَلَمْ أَدْرِ مَا حِسَابِيَهْ ﴿٢٦﴾

69:26 Xisaabtaydana maanan ogaanin.

يَـٰلَيْتَهَا كَانَتِ ٱلْقَاضِيَةَ ﴿٢٧﴾

69:27 Magaacayba'ee maxaan u soo noolaaday.

مَآ أَغْنَىٰ عَنِّى مَالِيَهْ ۜ ﴿٢٨﴾

69:28 Xoolahaygi wax iima tarin.

هَلَكَ عَنِّى سُلْطَـٰنِيَهْ ﴿٢٩﴾

69:29 Waxaa lumay awooddaydii (iyo xujadaydii).

خُذُوهُ فَغُلُّوهُ ﴿٣٠﴾

69:30 Waxaa loo odhan qabta oo Gacmihiisa iyo luquntiisa isku xira.

ثُمَّ ٱلْجَحِيمَ صَلُّوهُ ﴿٣١﴾

69:31 Naarta Jahannamada geliya.

ثُمَّ فِى سِلْسِلَةٍ ذَرْعُهَا سَبْعُونَ ذِرَاعًا فَٱسْلُكُوهُ ﴿٣٢﴾

69:32 Markaas geliya Silsilad Todobaatan dhudhun ah.

إِنَّهُۥ كَانَ لَا يُؤْمِنُ بِٱللَّهِ ٱلْعَظِيمِ ﴿٣٣﴾

69:33 maxaayeelay wuxuu ahaa kaan rumaynin Eebaha weyn.

وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلْمِسْكِينِ ﴿٣٤﴾

69:34 aana fari jirin in Masaakiinta wax la siiyo.

فَلَيْسَ لَهُ ٱلْيَوْمَ هَـٰهُنَا حَمِيمٌ ﴿٣٥﴾

69:35 Maanta (Qiyaamada) kuma leh Saaxiib.

وَلَا طَعَامٌ إِلَّا مِنْ غِسْلِينٍ ﴿٣٦﴾

69:36 Cuunana kuma leh aan ahayn dhaacaanka «Ehlu Naarka».

لَّا يَأْكُلُهُۥٓ إِلَّا ٱلْخَـٰطِـُٔونَ ﴿٣٧﴾

69:37 Cunnadaasna ma cuno kuwa gafay waxaan ahayn (Gaalada).

فَلَآ أُقْسِمُ بِمَا تُبْصِرُونَ ﴿٣٨﴾

69:38 Waxaan ku dhaaran waxaad aragtaan (Makhluuqaad ah).

وَمَا لَا تُبْصِرُونَ ﴿٣٩﴾

69:39 iyo waxaydaan arkayninba.

إِنَّهُۥ لَقَوْلُ رَسُولٍ كَرِيمٍ ﴿٤٠﴾

69:40 ee Qur'aanku waa hadalkii Eebe uu u soo dhiibay Rasuul Sharaf leh.

وَمَا هُوَ بِقَوْلِ شَاعِرٍ ۚ قَلِيلًا مَّا تُؤْمِنُونَ ﴿٤١﴾

69:41 Hadal gabayaana ma aha, wax yar yaadse rumaynaysaan (Xaqa).

وَلَا بِقَوْلِ كَاهِنٍ ۚ قَلِيلًا مَّا تَذَكَّرُونَ ﴿٤٢﴾

69:42 Hadal wax sheegana ma aha wax yar yaadse waantoomaysaan.

تَنزِيلٌ مِّن رَّبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ ﴿٤٣﴾

69:43 (Qur'aanku) wuxuu ka soo degay Eebaha Caalamka.

وَلَوْ تَقَوَّلَ عَلَيْنَا بَعْضَ ٱلْأَقَاوِيلِ ﴿٤٤﴾

69:44 Hadduu nagu been abuurto (Nabi Muxamed).

لَأَخَذْنَا مِنْهُ بِٱلْيَمِينِ ﴿٤٥﴾

69:45 Waxaanu ku qaban gacan adag.

ثُمَّ لَقَطَعْنَا مِنْهُ ٱلْوَتِينَ ﴿٤٦﴾

69:46 Waxaannu gooynaynaa Xididka Wadnaha.

فَمَا مِنكُم مِّنْ أَحَدٍ عَنْهُ حَـٰجِزِينَ ﴿٤٧﴾

69:47 Ruux idinka mid ah oo naga eelinnna ma jiro.

وَإِنَّهُۥ لَتَذْكِرَةٌ لِّلْمُتَّقِينَ ﴿٤٨﴾

69:48 Qur'aankuna waa waanada kuwa Eebe ka dhawrsada.

وَإِنَّا لَنَعْلَمُ أَنَّ مِنكُم مُّكَذِّبِينَ ﴿٤٩﴾

69:49 Waxaan ognahay inay idin ka mid yihiin kuwa beenin (Qur'aanka).

وَإِنَّهُۥ لَحَسْرَةٌ عَلَى ٱلْكَـٰفِرِينَ ﴿٥٠﴾

69:50 Qur'aanku waa qoomamada Gaalada (Maalinta Qiyaame).

وَإِنَّهُۥ لَحَقُّ ٱلْيَقِينِ ﴿٥١﴾

69:51 Qur'aanka waa run dhab ah.

فَسَبِّحْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلْعَظِيمِ ﴿٥٢﴾

69:52 Ee Nabiyow u tasbiixso Magaca Eebe ee weyn.

Is tijaabi

Is tijaabi →

Hear Surah Al-Haqqah from all 90 reciters →