بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
وَٱلْمُرْسَلَـٰتِ عُرْفًا ﴿١﴾
77:1 Waxaan ku dhaartay Dabaysha wanaaga lala Diro.
فَٱلْعَـٰصِفَـٰتِ عَصْفًا ﴿٢﴾
77:2 iyo Dabaysha sida daran u dhabata.
وَٱلنَّـٰشِرَٰتِ نَشْرًا ﴿٣﴾
77:3 Iyo Dabaysha roobka kicisa.
فَٱلْفَـٰرِقَـٰتِ فَرْقًا ﴿٤﴾
77:4 Iyo malaa'igta Xaqa iyo Baadilka kala Bixisa.
فَٱلْمُلْقِيَـٰتِ ذِكْرًا ﴿٥﴾
77:5 iyo malaa'igta waxyiga soo Dajisa.
عُذْرًا أَوْ نُذْرًا ﴿٦﴾
77:6 Si Dadka loo waaniyo looguna digo.
إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَوَٰقِعٌ ﴿٧﴾
77:7 Ee waxa dadow Eebe ku Yaboohay wuu dhici.
فَإِذَا ٱلنُّجُومُ طُمِسَتْ ﴿٨﴾
77:8 Markase xiddiguhu Nuurku ka tago.
وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ فُرِجَتْ ﴿٩﴾
77:9 Oo samadu Dildillaacdo.
وَإِذَا ٱلْجِبَالُ نُسِفَتْ ﴿١٠﴾
77:10 Oo Buuraha la Rujiyo.
وَإِذَا ٱلرُّسُلُ أُقِّتَتْ ﴿١١﴾
77:11 Oo Rasuulladii la kulmiyo (iyo Dadkoodii).
لِأَىِّ يَوْمٍ أُجِّلَتْ ﴿١٢﴾
77:12 Maalin wayn oo loo Qabtay Darteed.
لِيَوْمِ ٱلْفَصْلِ ﴿١٣﴾
77:13 In dadka la kala Bixiyo Dartiis.
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا يَوْمُ ٱلْفَصْلِ ﴿١٤﴾
77:14 Maalinta kala Bixinta ma Taqaannaa.
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ ﴿١٥﴾
77:15 Halaag wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
أَلَمْ نُهْلِكِ ٱلْأَوَّلِينَ ﴿١٦﴾
77:16 Miyaannaan Halaagin Ummadihii hore.
ثُمَّ نُتْبِعُهُمُ ٱلْـَٔاخِرِينَ ﴿١٧﴾
77:17 Haddana Aannaan Raccinhaynin kuwii Dambe.
كَذَٰلِكَ نَفْعَلُ بِٱلْمُجْرِمِينَ ﴿١٨﴾
77:18 Saasaana ku Falaynaa Dambiilayaasha.
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ ﴿١٩﴾
77:19 Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.
أَلَمْ نَخْلُقكُّم مِّن مَّآءٍ مَّهِينٍ ﴿٢٠﴾
77:20 Miyaannaan Idinka Abuurin biyo tabar yar.
فَجَعَلْنَـٰهُ فِى قَرَارٍ مَّكِينٍ ﴿٢١﴾
77:21 Markaasna yeellay meel ilaashan.
إِلَىٰ قَدَرٍ مَّعْلُومٍ ﴿٢٢﴾
77:22 Tan iyo Muddo la yaqaanno.
فَقَدَرْنَا فَنِعْمَ ٱلْقَـٰدِرُونَ ﴿٢٣﴾
77:23 Annagaa wax Qaddarray, wax Qaddarana u Fiican.
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ ﴿٢٤﴾
77:24 Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.
أَلَمْ نَجْعَلِ ٱلْأَرْضَ كِفَاتًا ﴿٢٥﴾
77:25 Miyaanaan ka yeelin Dhulka kafaalaqaade.
أَحْيَآءً وَأَمْوَٰتًا ﴿٢٦﴾
77:26 Nolol iyo Geeriba.
وَجَعَلْنَا فِيهَا رَوَٰسِىَ شَـٰمِخَـٰتٍ وَأَسْقَيْنَـٰكُم مَّآءً فُرَاتًا ﴿٢٧﴾
77:27 Waxaana yeellay Dhulka Dhexdiisa buuro sugan oo waawayn, waxaana idinka Waraabinnay biyo macaan.
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ ﴿٢٨﴾
77:28 Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
ٱنطَلِقُوٓا۟ إِلَىٰ مَا كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ ﴿٢٩﴾
77:29 Aada gaalooy cadaabkii xaggiisa aad Beenin Jirteen.
ٱنطَلِقُوٓا۟ إِلَىٰ ظِلٍّ ذِى ثَلَـٰثِ شُعَبٍ ﴿٣٠﴾
77:30 Aada hoos (Qiiba naarta) oo saddex madax ah.
لَّا ظَلِيلٍ وَلَا يُغْنِى مِنَ ٱللَّهَبِ ﴿٣١﴾
77:31 Oon hoosinayn, ololla (Kulaylna) wax ka tarayn.
إِنَّهَا تَرْمِى بِشَرَرٍ كَٱلْقَصْرِ ﴿٣٢﴾
77:32 Waxayna Naartu tuuri Dhimbilo daran ood Mooddo daar.
كَأَنَّهُۥ جِمَـٰلَتٌ صُفْرٌ ﴿٣٣﴾
77:33 Ama aad Mooddo geel madaw ah.
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ ﴿٣٤﴾
77:34 Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
هَـٰذَا يَوْمُ لَا يَنطِقُونَ ﴿٣٥﴾
77:35 Taasina waa maalin aynan hadlaynin Dadku.
وَلَا يُؤْذَنُ لَهُمْ فَيَعْتَذِرُونَ ﴿٣٦﴾
77:36 Lamana idmo si Ay u cudurdaartaan.
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ ﴿٣٧﴾
77:37 Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
هَـٰذَا يَوْمُ ٱلْفَصْلِ ۖ جَمَعْنَـٰكُمْ وَٱلْأَوَّلِينَ ﴿٣٨﴾
77:38 Maalintan waa maalintii kala Bixinta, Waana idin kulminnay idinka iyo kuwii Horreeyayba.
فَإِن كَانَ لَكُمْ كَيْدٌ فَكِيدُونِ ﴿٣٩﴾
77:39 Ee Haddaad wax Dhagrikartaan i Dhagra.
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ ﴿٤٠﴾
77:40 Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى ظِلَـٰلٍ وَعُيُونٍ ﴿٤١﴾
77:41 Kuwa Eebe ka Dhawrsada waxay ku sugnaan hoos iyo ilo;
وَفَوَٰكِهَ مِمَّا يَشْتَهُونَ ﴿٤٢﴾
77:42 (Waxayna Cuni) khudaartay Doonaan.
كُلُوا۟ وَٱشْرَبُوا۟ هَنِيٓـًٔۢا بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ ﴿٤٣﴾
77:43 Waxaana Lagu dhihi Cuna oo cabba Idinkoo shifaysan Camalkiinnii Dartiis.
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ ﴿٤٤﴾
77:44 Sasaana ku abaalMarinaynaa kuwa wanaagga fala.
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ ﴿٤٥﴾
77:45 Halaagna wuxuu u Sugnaaday kuwa xaqa Beeniya.
كُلُوا۟ وَتَمَتَّعُوا۟ قَلِيلًا إِنَّكُم مُّجْرِمُونَ ﴿٤٦﴾
77:46 (Gaalada waxaa lagu Dhihi) Cuna oo Raaxaysta wax yar, waxaad tihiin Dambiilayaale;
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ ﴿٤٧﴾
77:47 Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱرْكَعُوا۟ لَا يَرْكَعُونَ ﴿٤٨﴾
77:48 Markii la yidhaahdo Gaalada tukada ma tukadaan.
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ ﴿٤٩﴾
77:49 Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.
فَبِأَىِّ حَدِيثٍۭ بَعْدَهُۥ يُؤْمِنُونَ ﴿٥٠﴾
77:50 Hadalkeebay Quraanka Dabadiis Rumaynhayaan.