QuranQuiz bySALSABIL STUDIO
Open the appOpen app

سورة الواقعة

Suuradda Al-Waqi'ah — Af-Soomaali

96 aayadood · Suuradda 56 ee 114

🌐 Translation: Soomaali

Englishالعربية (بلا ترجمة)اردوBahasa IndonesiaBahasa MelayuTürkçeFrançaisDeutschEspañolPortuguêsItalianoNederlandsРусскийفارسیবাংলাहिन्दीSoomaaliKiswahiliHausaShqipBosanskiAzərbaycancaOʻzbekcha中文日本語한국어ภาษาไทยTiếng ViệtTagalogپښتوPolskiSvenskaNorskSuomiČeštinaRomânăБългарскиУкраїнськаעבריתதமிழ்മലയാളംతెలుగుमराठीગુજરાતીनेपालीසිංහලঅসমীয়াسنڌيدریKurdîދިވެހިئۇيغۇرچەአማርኛAfaan OromooYorùbáKinyarwandaBamanankanChiyaoTamaziɣtMëranawТоҷикӣҚазақшаТатарчаភាសាខ្មែរEnglish (Abdel Haleem)

Tarjumaadda: Mahmud Muhammad Abduh

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

إِذَا وَقَعَتِ ٱلْوَاقِعَةُ ﴿١﴾

56:1 Markay Qiyaamadu dhacdo.

لَيْسَ لِوَقْعَتِهَا كَاذِبَةٌ ﴿٢﴾

56:2 Dhiciddaas wax beenin ma jiro (markay arkaan).

خَافِضَةٌ رَّافِعَةٌ ﴿٣﴾

56:3 Waana (mid) hoos u dhiga kor u dhiga ah.

إِذَا رُجَّتِ ٱلْأَرْضُ رَجًّا ﴿٤﴾

56:4 Marka la gilgilo Dhulka gilgilid.

وَبُسَّتِ ٱلْجِبَالُ بَسًّا ﴿٥﴾

56:5 Buurahana la rido (La kala daadiyo).

فَكَانَتْ هَبَآءً مُّنۢبَثًّا ﴿٦﴾

56:6 Oy noqoto boodh Firdhisan.

وَكُنتُمْ أَزْوَٰجًا ثَلَـٰثَةً ﴿٧﴾

56:7 Ood ahaataan Saddex nooc, (markaasaa dadka la soo bixin).

فَأَصْحَـٰبُ ٱلْمَيْمَنَةِ مَآ أَصْحَـٰبُ ٱلْمَيْمَنَةِ ﴿٨﴾

56:8 Kuwa midigta mari (waa Ehlu-Jannehee), ma taqaan kuwa midigta mari.

وَأَصْحَـٰبُ ٱلْمَشْـَٔمَةِ مَآ أَصْحَـٰبُ ٱلْمَشْـَٔمَةِ ﴿٩﴾

56:9 Iyo kuwa bidixda mari (waa ehluNaarkee) ma taqaan kuwa Bidixda mari.

وَٱلسَّـٰبِقُونَ ٱلسَّـٰبِقُونَ ﴿١٠﴾

56:10 Iyo kuwii aad u hormaray.

أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلْمُقَرَّبُونَ ﴿١١﴾

56:11 Waa kuwa Eebe dhaweeyay.

فِى جَنَّـٰتِ ٱلنَّعِيمِ ﴿١٢﴾

56:12 Waxayna gali Jannooyin Nicma leh.

ثُلَّةٌ مِّنَ ٱلْأَوَّلِينَ ﴿١٣﴾

56:13 Waana Koox ka mid ah kuwii hore.

وَقَلِيلٌ مِّنَ ٱلْـَٔاخِرِينَ ﴿١٤﴾

56:14 Iyo wax yar oo ka mid ah kuwii dambeeyay.

عَلَىٰ سُرُرٍ مَّوْضُونَةٍ ﴿١٥﴾

56:15 Sariiro Dahab laga sameeyay yayna ku sugnaan.

مُّتَّكِـِٔينَ عَلَيْهَا مُتَقَـٰبِلِينَ ﴿١٦﴾

56:16 Oy kuna dangiigsan korkeeda iyagoo is qaabili.

يَطُوفُ عَلَيْهِمْ وِلْدَٰنٌ مُّخَلَّدُونَ ﴿١٧﴾

56:17 Waxaa la dhex wareegi wiilal waari.

بِأَكْوَابٍ وَأَبَارِيقَ وَكَأْسٍ مِّن مَّعِينٍ ﴿١٨﴾

56:18 Koobab iyo kildhiyo iyo weel uu ka buuxo macaan (khamri) socda.

لَّا يُصَدَّعُونَ عَنْهَا وَلَا يُنزِفُونَ ﴿١٩﴾

56:19 Madax xanuun iyo caqlitagid midna ma leh.

وَفَـٰكِهَةٍ مِّمَّا يَتَخَيَّرُونَ ﴿٢٠﴾

56:20 Faakihaday «khudaartay» doonaanna way heli.

وَلَحْمِ طَيْرٍ مِّمَّا يَشْتَهُونَ ﴿٢١﴾

56:21 Iyo Hilib Shimbir oo kay rabaan ah.

وَحُورٌ عِينٌ ﴿٢٢﴾

56:22 Iyo Haween Janno oo Indha cadcad.

كَأَمْثَـٰلِ ٱللُّؤْلُؤِ ٱلْمَكْنُونِ ﴿٢٣﴾

56:23 Ood mooddo Jawhar la ilaaliyay.

جَزَآءًۢ بِمَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ ﴿٢٤﴾

56:24 Waana abaalmarin waxay Camalfali jireen (oo wanaag ahaa).

لَا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًا وَلَا تَأْثِيمًا ﴿٢٥﴾

56:25 Kumana maqlaan Jannada hadal micno darra iyo dambi midna.

إِلَّا قِيلًا سَلَـٰمًا سَلَـٰمًا ﴿٢٦﴾

56:26 Waxayse ku Maqli Salaan (dhexdooda ah).

وَأَصْحَـٰبُ ٱلْيَمِينِ مَآ أَصْحَـٰبُ ٱلْيَمِينِ ﴿٢٧﴾

56:27 Kuwa Midigta mari, Ma taqaan kuwa midigta.

فِى سِدْرٍ مَّخْضُودٍ ﴿٢٨﴾

56:28 Waxay heli Geedka Sidriga ah oon Qodax lahayn.

وَطَلْحٍ مَّنضُودٍ ﴿٢٩﴾

56:29 Iyo Geedka Dhalxiga (Muuska Oo isasaarsaaran) ah oo buuxa.

وَظِلٍّ مَّمْدُودٍ ﴿٣٠﴾

56:30 Iyo Hoos joogta ah.

وَمَآءٍ مَّسْكُوبٍ ﴿٣١﴾

56:31 Iyo Biyo socda (goor walba).

وَفَـٰكِهَةٍ كَثِيرَةٍ ﴿٣٢﴾

56:32 Iyo Faakiha badan.

لَّا مَقْطُوعَةٍ وَلَا مَمْنُوعَةٍ ﴿٣٣﴾

56:33 Oon la goynaynin lana reebaynin.

وَفُرُشٍ مَّرْفُوعَةٍ ﴿٣٤﴾

56:34 Iyo Gogol la koryeelay.

إِنَّآ أَنشَأْنَـٰهُنَّ إِنشَآءً ﴿٣٥﴾

56:35 Annagaa ahaysiin (Da'yarayn Haweenka Jannada).

فَجَعَلْنَـٰهُنَّ أَبْكَارًا ﴿٣٦﴾

56:36 Kana dhigi kuwa aan la taaban.

عُرُبًا أَتْرَابًا ﴿٣٧﴾

56:37 Oy is jecelyihiin (Raggooda) simanna.

لِّأَصْحَـٰبِ ٱلْيَمِينِ ﴿٣٨﴾

56:38 kuwa Midigta yaa muta (arrintaas).

ثُلَّةٌ مِّنَ ٱلْأَوَّلِينَ ﴿٣٩﴾

56:39 Waana Koox kuwii hore ka mid ah.

وَثُلَّةٌ مِّنَ ٱلْـَٔاخِرِينَ ﴿٤٠﴾

56:40 Iyo Koox kuwa dambe ka mid ah.

وَأَصْحَـٰبُ ٱلشِّمَالِ مَآ أَصْحَـٰبُ ٱلشِّمَالِ ﴿٤١﴾

56:41 Kuwa Bidixda mari, ma taqaan kuwa Bidixda.

فِى سَمُومٍ وَحَمِيمٍ ﴿٤٢﴾

56:42 Waxay ku sugnaan Naar daran iyo Biyo kulayl badan.

وَظِلٍّ مِّن يَحْمُومٍ ﴿٤٣﴾

56:43 Iyo hoos madow oo wax guba.

لَّا بَارِدٍ وَلَا كَرِيمٍ ﴿٤٤﴾

56:44 Aan qaboobayn aragna fiicnayn.

إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَبْلَ ذَٰلِكَ مُتْرَفِينَ ﴿٤٥﴾

56:45 Waxay ahaayeen arrintaas ka hor kuwo ku raaxaysta (Xumaanta).

وَكَانُوا۟ يُصِرُّونَ عَلَى ٱلْحِنثِ ٱلْعَظِيمِ ﴿٤٦﴾

56:46 Waxayna Daa'imi jireen dambi wayn.

وَكَانُوا۟ يَقُولُونَ أَئِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَـٰمًا أَءِنَّا لَمَبْعُوثُونَ ﴿٤٧﴾

56:47 Waxayna dhihi jireen ma markaan dhimanno oon Lafo iyo Carro noqonnaa lana soo bixin.

أَوَءَابَآؤُنَا ٱلْأَوَّلُونَ ﴿٤٨﴾

56:48 Ama Aabayaalkannagii horeeyay.

قُلْ إِنَّ ٱلْأَوَّلِينَ وَٱلْـَٔاخِرِينَ ﴿٤٩﴾

56:49 Waxaad dhahdaa kuwii horeeyay iyo kuwii dambeeyayba.

لَمَجْمُوعُونَ إِلَىٰ مِيقَـٰتِ يَوْمٍ مَّعْلُومٍ ﴿٥٠﴾

56:50 Waxaa loo soo kulmin Maalin la yaqaan (Qiyaamo).

ثُمَّ إِنَّكُمْ أَيُّهَا ٱلضَّآلُّونَ ٱلْمُكَذِّبُونَ ﴿٥١﴾

56:51 Markaas Baadiyaalyahow Beeniyayaasha ah.

لَـَٔاكِلُونَ مِن شَجَرٍ مِّن زَقُّومٍ ﴿٥٢﴾

56:52 Waxaad wax ka cunaysaan Geed xun.

فَمَالِـُٔونَ مِنْهَا ٱلْبُطُونَ ﴿٥٣﴾

56:53 Aad kana buuxinaysaan Caloosha.

فَشَـٰرِبُونَ عَلَيْهِ مِنَ ٱلْحَمِيمِ ﴿٥٤﴾

56:54 Waxaadna ku cabbaysaan Biyo kulayl badan.

فَشَـٰرِبُونَ شُرْبَ ٱلْهِيمِ ﴿٥٥﴾

56:55 Waxaadna u cabbaysaan sida Geel aad u ooman.

هَـٰذَا نُزُلُهُمْ يَوْمَ ٱلدِّينِ ﴿٥٦﴾

56:56 Kaasina waa waxa lagu soori (Gaalada) Maalinta abaalmarinta (Qiyamada).

نَحْنُ خَلَقْنَـٰكُمْ فَلَوْلَا تُصَدِّقُونَ ﴿٥٧﴾

56:57 (Eebe wuxuu yidhi) Annagaa idin abuurraye maxaad la rumaynwaydeen (soo bixinta).

أَفَرَءَيْتُم مَّا تُمْنُونَ ﴿٥٨﴾

56:58 Ka warrama Dhibicda aad tuuraysan «Manida».

ءَأَنتُمْ تَخْلُقُونَهُۥٓ أَمْ نَحْنُ ٱلْخَـٰلِقُونَ ﴿٥٩﴾

56:59 Ma idinkaa abuura mase Annagaa abuurra,

نَحْنُ قَدَّرْنَا بَيْنَكُمُ ٱلْمَوْتَ وَمَا نَحْنُ بِمَسْبُوقِينَ ﴿٦٠﴾

56:60 Annagaa idinku eheynay Geerida, Ruux naga fakanna ma jiro.

عَلَىٰٓ أَن نُّبَدِّلَ أَمْثَـٰلَكُمْ وَنُنشِئَكُمْ فِى مَا لَا تَعْلَمُونَ ﴿٦١﴾

56:61 Inaan idinku baddallo kuwo idin la mid ah oon idinka ahaysiinno waxaydaan aqoon.

وَلَقَدْ عَلِمْتُمُ ٱلنَّشْأَةَ ٱلْأُولَىٰ فَلَوْلَا تَذَكَّرُونَ ﴿٦٢﴾

56:62 Dhabahaanbaad u ogtihiin abuuriddii hore, maad wax xusuusataan.

أَفَرَءَيْتُم مَّا تَحْرُثُونَ ﴿٦٣﴾

56:63 Ka warrama waxaad beereysaan.

ءَأَنتُمْ تَزْرَعُونَهُۥٓ أَمْ نَحْنُ ٱلزَّٰرِعُونَ ﴿٦٤﴾

56:64 Ma idinkaa soo dhaliya mase Annagaa soo dhalinna.

لَوْ نَشَآءُ لَجَعَلْنَـٰهُ حُطَـٰمًا فَظَلْتُمْ تَفَكَّهُونَ ﴿٦٥﴾

56:65 Haddaan doonno waxaan ka dhigaynaa burbur (aan wax tarin) markaasaad yaabaysaan (murugoonaysaan).

إِنَّا لَمُغْرَمُونَ ﴿٦٦﴾

56:66 (Idinkoo dhihi) Waa nala khasaariyay.

بَلْ نَحْنُ مَحْرُومُونَ ﴿٦٧﴾

56:67 Mase waa nala hoojiyay.

أَفَرَءَيْتُمُ ٱلْمَآءَ ٱلَّذِى تَشْرَبُونَ ﴿٦٨﴾

56:68 Ka warrama Biyahaad cabbaysaan.

ءَأَنتُمْ أَنزَلْتُمُوهُ مِنَ ٱلْمُزْنِ أَمْ نَحْنُ ٱلْمُنزِلُونَ ﴿٦٩﴾

56:69 Ma idinkaa ka soo dajiyay Daruurta mase annakaa soo dajinnay.

لَوْ نَشَآءُ جَعَلْنَـٰهُ أُجَاجًا فَلَوْلَا تَشْكُرُونَ ﴿٧٠﴾

56:70 Haddaan doonno waxaan ka yeelaynaa khadhaadh ee maad ku mahadisaan (Eebe).

أَفَرَءَيْتُمُ ٱلنَّارَ ٱلَّتِى تُورُونَ ﴿٧١﴾

56:71 Ka warrama Dabkaad Madagta ka shiddaan.

ءَأَنتُمْ أَنشَأْتُمْ شَجَرَتَهَآ أَمْ نَحْنُ ٱلْمُنشِـُٔونَ ﴿٧٢﴾

56:72 Ma idinkaa ahaysiiyay Geedkeeda mase annagaa ahaysiinnay.

نَحْنُ جَعَلْنَـٰهَا تَذْكِرَةً وَمَتَـٰعًا لِّلْمُقْوِينَ ﴿٧٣﴾

56:73 Annagaa ka dhignay Dabka waano iyo nacfiga kuwa Safarka ah (iyo cidlada).

فَسَبِّحْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلْعَظِيمِ ﴿٧٤﴾

56:74 Ee waynee oo u Tasbiixso Magaca Eebaha wayn.

۞ فَلَآ أُقْسِمُ بِمَوَٰقِعِ ٱلنُّجُومِ ﴿٧٥﴾

56:75 (Eebe wuxuu yidhi) Waxaan ku dhaartay halkay Xiddiguhu ku dhacaan (ku qarsoomaan).

وَإِنَّهُۥ لَقَسَمٌ لَّوْ تَعْلَمُونَ عَظِيمٌ ﴿٧٦﴾

56:76 Waana dhaar wayn haddaad ogtihiine.

إِنَّهُۥ لَقُرْءَانٌ كَرِيمٌ ﴿٧٧﴾

56:77 Quraanku waa shay sharaf leh.

فِى كِتَـٰبٍ مَّكْنُونٍ ﴿٧٨﴾

56:78 Wuxuuna ku suganyahay Kitaab la dhawray.

لَّا يَمَسُّهُۥٓ إِلَّا ٱلْمُطَهَّرُونَ ﴿٧٩﴾

56:79 Mana taabto Ruuxan Daahir ahayn.

تَنزِيلٌ مِّن رَّبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ ﴿٨٠﴾

56:80 Waxaana soo dajiyay Eebaha Caalamka.

أَفَبِهَـٰذَا ٱلْحَدِيثِ أَنتُم مُّدْهِنُونَ ﴿٨١﴾

56:81 Ee ma Quraankan yaad beeninaysaan.

وَتَجْعَلُونَ رِزْقَكُمْ أَنَّكُمْ تُكَذِّبُونَ ﴿٨٢﴾

56:82 Ood ka yeeleysaan (mahaddii) Rizqigiinna beenin (Xaqa).

فَلَوْلَآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلْحُلْقُومَ ﴿٨٣﴾

56:83 Maxaydaan markay Naftu dhuunta gaadho.

وَأَنتُمْ حِينَئِذٍ تَنظُرُونَ ﴿٨٤﴾

56:84 Idinkuna aad fiirinaysaan (Ruuxa dhiman).

وَنَحْنُ أَقْرَبُ إِلَيْهِ مِنكُمْ وَلَـٰكِن لَّا تُبْصِرُونَ ﴿٨٥﴾

56:85 Annaguna aan idiinka dhawnahay, Laakiinse aydaan arkaynin.

فَلَوْلَآ إِن كُنتُمْ غَيْرَ مَدِينِينَ ﴿٨٦﴾

56:86 Haddaad tihiin kuwa aan la soo bixinaynin.

تَرْجِعُونَهَآ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ ﴿٨٧﴾

56:87 Maad Nafta ku celisaan, haddaad Run sheegaysaan.

فَأَمَّآ إِن كَانَ مِنَ ٱلْمُقَرَّبِينَ ﴿٨٨﴾

56:88 Hadduu ka mid yahay (Ruuxa dhiman) kuwa Eebe dhaweeyay.

فَرَوْحٌ وَرَيْحَانٌ وَجَنَّتُ نَعِيمٍ ﴿٨٩﴾

56:89 Wuxuu heli naxariis iyo farax iyoJannada Naciima.

وَأَمَّآ إِن كَانَ مِنْ أَصْحَـٰبِ ٱلْيَمِينِ ﴿٩٠﴾

56:90 Hadduu yahay kuwa Midigta marina.

فَسَلَـٰمٌ لَّكَ مِنْ أَصْحَـٰبِ ٱلْيَمِينِ ﴿٩١﴾

56:91 Nabadgalyaa kaaga sugnaatay kuwa midigta.

وَأَمَّآ إِن كَانَ مِنَ ٱلْمُكَذِّبِينَ ٱلضَّآلِّينَ ﴿٩٢﴾

56:92 Hadduu yahay kuwa xaqa beeniyay ee dhumayna.

فَنُزُلٌ مِّنْ حَمِيمٍ ﴿٩٣﴾

56:93 Wuxuu heli martiqaad iyo kulaylbadan.

وَتَصْلِيَةُ جَحِيمٍ ﴿٩٤﴾

56:94 Iyo galidda Naarta Jaxiimo.

إِنَّ هَـٰذَا لَهُوَ حَقُّ ٱلْيَقِينِ ﴿٩٥﴾

56:95 Waxaad (la soo sheegay) waa run dhab ah.

فَسَبِّحْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلْعَظِيمِ ﴿٩٦﴾

56:96 Ee tasbiixso Magaca Eebaha wayn.

Is tijaabi

Is tijaabi →

Hear Surah Al-Waqi'ah from all 90 reciters →