بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلْغَـٰشِيَةِ ﴿١﴾
88:1 Ma ku soo gadhay Qiyaamada warkeedii.
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ خَـٰشِعَةٌ ﴿٢﴾
88:2 Wajiyaal Maalintaas way dullaysnaan.
عَامِلَةٌ نَّاصِبَةٌ ﴿٣﴾
88:3 Waxayna qaban Shaqo dhib ah.
تَصْلَىٰ نَارًا حَامِيَةً ﴿٤﴾
88:4 Waxayna gali Naar kulul.
تُسْقَىٰ مِنْ عَيْنٍ ءَانِيَةٍ ﴿٥﴾
88:5 Waxaana laga waraabin il kulayl daran.
لَّيْسَ لَهُمْ طَعَامٌ إِلَّا مِن ضَرِيعٍ ﴿٦﴾
88:6 Wax cunto ahna kama helaan oon ahayn cunno xun (oo wax dhibta).
لَّا يُسْمِنُ وَلَا يُغْنِى مِن جُوعٍ ﴿٧﴾
88:7 Taasoon waxna cayilinaynin Gaajana wax ka taraynin.
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ نَّاعِمَةٌ ﴿٨﴾
88:8 Wajiyaalna maalintaas way Nicmaysnaan (Waa mu'miniinta).
لِّسَعْيِهَا رَاضِيَةٌ ﴿٩﴾
88:9 Waxayna ka raalli noqotay camalkeedii.
فِى جَنَّةٍ عَالِيَةٍ ﴿١٠﴾
88:10 Janno sarana way gali.
لَّا تَسْمَعُ فِيهَا لَـٰغِيَةً ﴿١١﴾
88:11 Kumana maqasho Jannada hadal macna darro.
فِيهَا عَيْنٌ جَارِيَةٌ ﴿١٢﴾
88:12 Waxaana ah dhexdeed il socota.
فِيهَا سُرُرٌ مَّرْفُوعَةٌ ﴿١٣﴾
88:13 iyo Sariiro la koryeelay.
وَأَكْوَابٌ مَّوْضُوعَةٌ ﴿١٤﴾
88:14 Iyo koobab la hor dhigay (ehlu Jannaha).
وَنَمَارِقُ مَصْفُوفَةٌ ﴿١٥﴾
88:15 Iyo Barkimooyin la safay.
وَزَرَابِىُّ مَبْثُوثَةٌ ﴿١٦﴾
88:16 Iyo gogol la fidiyay.
أَفَلَا يَنظُرُونَ إِلَى ٱلْإِبِلِ كَيْفَ خُلِقَتْ ﴿١٧﴾
88:17 Miyayna fiirinaynin sida Deela loo abuuray.
وَإِلَى ٱلسَّمَآءِ كَيْفَ رُفِعَتْ ﴿١٨﴾
88:18 Iyo sida Samada loo koryeelay.
وَإِلَى ٱلْجِبَالِ كَيْفَ نُصِبَتْ ﴿١٩﴾
88:19 Iyo sida Ruuraha loo taagay,
وَإِلَى ٱلْأَرْضِ كَيْفَ سُطِحَتْ ﴿٢٠﴾
88:20 Iyo sida dhulka loo fidiyay.
فَذَكِّرْ إِنَّمَآ أَنتَ مُذَكِّرٌ ﴿٢١﴾
88:21 Ee Waani dadka waxaad tahay waaniyee (Nabiyow).
لَّسْتَ عَلَيْهِم بِمُصَيْطِرٍ ﴿٢٢﴾
88:22 Mana tihid mid xoog ku leh (qasab).
إِلَّا مَن تَوَلَّىٰ وَكَفَرَ ﴿٢٣﴾
88:23 Hase yeeshee Ruuxii xaqa ka jeedsada oo Gaalooba (ku soo celi xaqa).
فَيُعَذِّبُهُ ٱللَّهُ ٱلْعَذَابَ ٱلْأَكْبَرَ ﴿٢٤﴾
88:24 Eebana wuu caddibi Caddibaadda u wayn.
إِنَّ إِلَيْنَآ إِيَابَهُمْ ﴿٢٥﴾
88:25 Xagganagayna u soo noqon (khalqigu).
ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا حِسَابَهُم ﴿٢٦﴾
88:26 Annagaana xisaabin.