QuranQuiz bySALSABIL STUDIO
Open the appOpen app

سورة التكوير

Suuradda At-Takwir — Af-Soomaali

29 aayadood · Suuradda 81 ee 114

🌐 Translation: Soomaali

Englishالعربية (بلا ترجمة)اردوBahasa IndonesiaBahasa MelayuTürkçeFrançaisDeutschEspañolPortuguêsItalianoNederlandsРусскийفارسیবাংলাहिन्दीSoomaaliKiswahiliHausaShqipBosanskiAzərbaycancaOʻzbekcha中文日本語한국어ภาษาไทยTiếng ViệtTagalogپښتوPolskiSvenskaNorskSuomiČeštinaRomânăБългарскиУкраїнськаעבריתதமிழ்മലയാളംతెలుగుमराठीગુજરાતીनेपालीසිංහලঅসমীয়াسنڌيدریKurdîދިވެހިئۇيغۇرچەአማርኛAfaan OromooYorùbáKinyarwandaBamanankanChiyaoTamaziɣtMëranawТоҷикӣҚазақшаТатарчаភាសាខ្មែរEnglish (Abdel Haleem)

Tarjumaadda: Mahmud Muhammad Abduh

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

إِذَا ٱلشَّمْسُ كُوِّرَتْ ﴿١﴾

81:1 Marka qorraxda la duubo (Qiyaamada).

وَإِذَا ٱلنُّجُومُ ٱنكَدَرَتْ ﴿٢﴾

81:2 Xiddiguhuna daataan (iyagoo Madow).

وَإِذَا ٱلْجِبَالُ سُيِّرَتْ ﴿٣﴾

81:3 Buurahana la kexeeyo (La rujiyo).

وَإِذَا ٱلْعِشَارُ عُطِّلَتْ ﴿٤﴾

81:4 Geelii rimmanaana la halleeyo.

وَإِذَا ٱلْوُحُوشُ حُشِرَتْ ﴿٥﴾

81:5 Dugaaggana la kulmiyo (Qisaas darteed).

وَإِذَا ٱلْبِحَارُ سُجِّرَتْ ﴿٦﴾

81:6 Badahana la kululeeyo.

وَإِذَا ٱلنُّفُوسُ زُوِّجَتْ ﴿٧﴾

81:7 Naf walbana Jidhkeedii lammaaneeyo.

وَإِذَا ٱلْمَوْءُۥدَةُ سُئِلَتْ ﴿٨﴾

81:8 Gabdhihii la xabaalnololiyayna la warsado.

بِأَىِّ ذَنۢبٍ قُتِلَتْ ﴿٩﴾

81:9 Maxaa dambi ah oo loo dilay.

وَإِذَا ٱلصُّحُفُ نُشِرَتْ ﴿١٠﴾

81:10 Kutubta (camalkana) la fidiyo.

وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ كُشِطَتْ ﴿١١﴾

81:11 Samadana la rujiyo.

وَإِذَا ٱلْجَحِيمُ سُعِّرَتْ ﴿١٢﴾

81:12 Naarta Jaxiimana la huriyo.

وَإِذَا ٱلْجَنَّةُ أُزْلِفَتْ ﴿١٣﴾

81:13 Jannadana la dhaweeyo.

عَلِمَتْ نَفْسٌ مَّآ أَحْضَرَتْ ﴿١٤﴾

81:14 Waxay ogaan nafu waxay camal fashay.

فَلَآ أُقْسِمُ بِٱلْخُنَّسِ ﴿١٥﴾

81:15 (wuxuu eebe yidhi) Waxaan ku dhaartay Xiddigaha Qarsooma (Maalintii).

ٱلْجَوَارِ ٱلْكُنَّسِ ﴿١٦﴾

81:16 Ee socda iftiinka Qorraxdana ku qarsooma.

وَٱلَّيْلِ إِذَا عَسْعَسَ ﴿١٧﴾

81:17 Iyo Habeenku markuu jeedsado.

وَٱلصُّبْحِ إِذَا تَنَفَّسَ ﴿١٨﴾

81:18 Iyo subaxu markuu soo qaabilo.

إِنَّهُۥ لَقَوْلُ رَسُولٍ كَرِيمٍ ﴿١٩﴾

81:19 Ee Quraanku waa hadalka Eebe, Soona raray Malag sharaf lah.

ذِى قُوَّةٍ عِندَ ذِى ٱلْعَرْشِ مَكِينٍ ﴿٢٠﴾

81:20 Xoogna leh Eeba agtiisana Daraja ku leh.

مُّطَاعٍ ثَمَّ أَمِينٍ ﴿٢١﴾

81:21 Laguna addeeco halkaas aaminna ah.

وَمَا صَاحِبُكُم بِمَجْنُونٍ ﴿٢٢﴾

81:22 Saaxiibkiinna (Nabiguna) ma aha ku waalan.

وَلَقَدْ رَءَاهُ بِٱلْأُفُقِ ٱلْمُبِينِ ﴿٢٣﴾

81:23 Horaybuuna ugu arkay Jibriil Jahadii Caddayd (Bariga Maka).

وَمَا هُوَ عَلَى ٱلْغَيْبِ بِضَنِينٍ ﴿٢٤﴾

81:24 Nabiguna ma aha Ruux lugu shakiyo waxa Maqan.

وَمَا هُوَ بِقَوْلِ شَيْطَـٰنٍ رَّجِيمٍ ﴿٢٥﴾

81:25 Qaraankuna ma aha hadal shaydaan la fogeeyay.

فَأَيْنَ تَذْهَبُونَ ﴿٢٦﴾

81:26 Ee xaggeed Gaalooy aadaysaan.

إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ لِّلْعَـٰلَمِينَ ﴿٢٧﴾

81:27 Quraankuna waxaan waanada caalamka ahayn ina aha (waa waano).

لِمَن شَآءَ مِنكُمْ أَن يَسْتَقِيمَ ﴿٢٨﴾

81:28 Ruuxii doona inuu toosnaado (yuuna u yahay).

وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلْعَـٰلَمِينَ ﴿٢٩﴾

81:29 Waxna ma dooni kartaan in Eebaha Caalamku doona mooyec.

Is tijaabi

Is tijaabi →

Hear Surah At-Takwir from all 90 reciters →